February, 03-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Maleeshiyo Beeleedyo ka abuurmay Gabeedka Waddanka iyo Xukuumada oo Daawanaysa Somalilandlive.com/ Maleeshiyo Beeleedyo iska Soo horjeeda ayaa ku Soo Xoogaysanayay Galbeedka Somaliland tan iyo intii ka danbaysay Qalalaasihii Doorasho ee Kadhacay Demooyinka Saylac iyo Lughaya.

Meleeshiyo Beedkan ayaa kala Taageersayn Beelaha Samaroon iyo Ciise Waxa Sixoog leh logu Soo Ururiyay Mudooyinkii Danbe inta U Dhaxaysa Demooyinka Saylac Xariirad iyo Lawyacado.


Maleeshiyaadkan oo aan ilaa hada Wax Iska Hor imaadi Dhex marin Dhankooda iyo Dhanka Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku Suguan Sayalacba hadana waxa ay Dhibaatooyin Badan ku Hayaan Dadka Deegaanka iyo Dadka Socotada ahba.

Maleeshiyadan oo ku Hubasay Qorayha Fudud ayaa intooda badani waxa ay Si Dhuumasho ah Usoo Galaan Tulooyinka Deegaankaas Teedsan Habeenkii iyaga oo Baad iyo Qasab Wax kaga Qaada Dadka Deegaanka ah iyo Gaadiidka ukala Safara Somaliland iyo Jabuutiba.

Maleeshiyadan ayaa Boobtay 01 Bishan Gaadhi Qaada oo katagay Dhanka Boorame

Sidoo kale waxa ay Kufsi kula Kaceen Laba Hablood oo Socoto ahaan u Marayay int u Dhaxaysa Lawaya Cado iyo Saylac Kuwaas oo hada laga Dayrinayo Xaaladooda Caafimaad.

Dhankale Xukuumada Somaliland ayaa Daawanaysa Maleeshiyadan iyo Amaan Darada ay Kawadaan Gobolada Wadanka.

Waxa hore Maleeshiyo Beeleedyo Laga Dhisay Gobolada Bari ee Waddanka ay ula Wareegeen Magaaliiyinka Buuhoodle iyo Taleex.

isku Soo Wada Dar oo Xaalada Aamaan ee Demooyinka Galbeedka Somaliland ayaa kasii Kadaraysay tan iyo Wixii ka Danbeeyay Doorashooyinkii Deegaanka Somaliland


Somalilandlive.com
info@somaliland
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS